Fajr: 5:03     Duhr: 1:18     Asr: 5:06     Magrib: 8:06     Isha: 9:32    
Magaalada Toronto oo si wacan looga ciiday -fitriga 2010

Toronto:-Waxaa maalinki Jimcaha oo ay ah taariikdu ahayd September 10,2010 lagu tukaday Markazka weyn ee Dar-ul-Hijra Islamic Centre ee ku yaal magaalada Toronto ee Dalka Canada Salaaddi Ciidul Fitriga . Dadka Muslimiinta ee halkaas isugu sioo baxay oo kumayaal gaarayay ayaa waxaa wajigooda ka muuqday farxad iyo rayn rayn . Khutbadi Ciidda waxaa halkaas kasoo jeediyay Imaamka Markazka Dar-ul-Hijra Sheekh Cabdil Khaaliq,khutbadaas oo ka hadlaysay mawaadiic aad u khuseeyo dadka muslimiinta ah guud ahaan . Markii Salaadii Ciida ay dhamaatay ayaa dadkii waxaa ay bilaabeen in ay iskugu hambalyeeyaan ciida ,dabadeed waxaa halkaas lagu soo bandhigay qalab ay Caruurtu ku ciyaaraan iyo raashin kala duduwan oo lagu wada farxay oo socday maalinki oo dhan.
Allah waxaan ka baryeynaa in uu naga aqbalo soonkeenna iyo qiyaamki bishi barakaysnayd ee Ramadan ee naga dhammaatay.Amiin.
Taqabalallahu Minnaa Waminkum Saalixul Acmaal
info@darulhijra.org