Fajr: 5:15     Duhr: 1:40     Asr: 5:15     Magrib: 8:12     Isha: 9:40    
Dibad joog (Picnic ) Markazka Dar-ul-Hijra ee Toronto
Waxaa maalinkii Arbacada oo ay taariikhdu ahayd August 19,2009 uu markazka Darulhijra Islamic Centre eek u yaal magaalada Toronto uu soo qabanqaabiyay markii ugu horraysay muddada yare ee uu markazku jiray, Barnaamijkaas dibad joog ah ( Picnic & BBQ) oo lagu qabtay Barxadda weyn ee uu markazku leeyahay oo ay isugu soo baxeen dadweyne aad u tira badan oo gaarayay illaa 700 qof. Halkaas oo ay dadweynahaas iyo martida kaleba ka haleen cuntooyinki iyo cabitaano kala duduwanaa oo bilaash ah oo hortooda lagu solay looguna qaybiyay si hufan waa Ilaah mahaddiise.

Waxaa xusid mudan in xafladdaan ay kasoo qaybgaleen marka laga reebo daweynaha muslimiinta ah, marti kala duduwan oo aan muslimiin ahayn oo ka kooban dariska jaarka markazka la ah, siyaasiyiinta xaafadda oo isugu jira kuwa Magaalada,Gobolka & Federalka iyo Booliska magaalada . Ujeedada Martidaas loogu casumay xafladdaan oo ahayd in aan wanaajinno Xiriirka aan leenahay umadda aan ku dhexnool nahay ee aan musliinta ahayn iyo inaan sidoo kale sumcadda dadka musliimta ah kor u qaadno,kana run sheegno tarbiyadda nababawiga ah ee ay diinteennu na barayso sida dariswanaagga iwm.

Waxaa kaloo ka mid ahaa kasoo qaybgalayaasha xafladdaan odayaasha,culamaa’uddiinka,aqoonyahannada, hoggaamiyayaasha jaaliyadda iyo carruur aad u tira badan oo loogu qabtay markazka qaybtiisa cayaaraha Barnaamij xiiso leh oo ahaa Tartanka Kubadda Kolayga.

Dadweynihi Barnaamijkaan kasoo qayb galay iyo martidiiba waxay ka mahadnaqeen sidii wacneyd oo ay deeqsinimada ku dheehneyd ee loo soo dhaweeyay,waxayna badidood soo jeediyeen in Barnaamijyadaan oo kale la joogteeyo sanad walba, dhowr jeerna la qabto haddii ay suurto gal tahay.

Gabagabadii Barnaamijka oo ku beegneyd Salaadda Casar kadib waxaa dadwenihi Muslimiinta ahaa ee kasoo qaybgalay Barnaamijka ay buux dhaafeen qaybta masaajidka ee markazka oo ay ku oogeen Salaadi Casar si jamaaci ah,kaddibna loo jeediyay muxaadaro kooban oo xasuusinaysay muhiimadda iyo xurmada ay masaajidda Ilaaahay leeyihiin.

Gunaanadki Barnaamijki sida aadka ahaa loogu bogay wuxuu maamulka markazku u mahad celiyay dhammaan walaalihi(volunteers) sida hagar la’aanta ah ooga soo shaqeeyay Barnaamijkaan. Jazaahumullaah.


C/rashiid Cali Maxamed

Maamulaha Markazka Dar-ul-Hijra

admin@darulhijra.org